Xiddigii Hore Ee Man United Garth Crooks Oo Doortay Shaxdiisa Ugu Fiican Premier League Xilli Ciyaareedka Dhamaaday.

Waxa shalay si Rasmi ah u dhamaaday xilli ciyaareedka Premier League ee 2019/2020 kaas oo noqday xilli ciyaareedkii ugu dheeraa taariikhda tartanka sabab la xidhiidha xanuunka Korona.

Xiddigii hore ee kooxda Man United haatan ah falanqeeyaha BBC Sport ee Garth Crooks ayaa soo xushay shaxdiisa ugu fiican horyaalka premier League xilli ciyaareedka dhamaady.

Garth Crooks ayaa xiddigaha ugu badan ka soo xushay kooxda ku guulaystay horyaalka premier League ee Liverpool isaga oo ka soo xushay 5 xiddig halka uu kooxda Man City ka soo xushay 3 xiddig.

Garth Crooks ayaa kooxaha Leicester City, Arsenal iyo Man united ka soo xushay min hal xiddig xilli uu doortay shaxdiisa ugu fiican xilli ciyaareedka 2019/2020.

جارث كروكس يختار تشكيله المثالي في الدوري الانجليزي

Sii Akhriso: Xasan Cali Khayre Waxa Xilka Looga Qaaday Afgambi Aanu Dhiig Ku Daadan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*