Xiddigii 2-aad Oo Man City Tijaabada Caafimaadka U Maraya Kadib Torress.

Wararka ka imanaya England ayaa sheegaya in uu daafaca Kooxda Bournemouth ee Nathan Aké soo gaadhay magaalada Manchester Isaga oo tijaabada caafimaadka u maraya kooxda Man City.

Shabakada Sky Sport ayaa sheegaya in uu Nathan Aké si Rasmi ah ugu biiri doona kooxda Man City marka uu tijaabada caafimaadka u maro 24-ka saac ee soo socda.

Isla shabakada ayaa sheegaysa in uu Nathan Aké kooxda Man City ugu biiri doono lacag dhan 41 milyan oo euro kuna soo laaban doona premier League kadib markii ay Bournemouth ka hadhay horyaalka.

Nathan Aké ayaa noqon doona saxiixii 2-aad ee ay kooxda Man City samayso maalmo gudohood kadib markii ay shalay ku dhawaaqday saxiixa xiddiga Ferran Torres oo ay kala soo wareegtay kooxda Valencia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*