
Xiddiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa noqday xiddiga 2-aad ee ugu goolasha badan taariikhda kubada cagta kulamada Rasmiga Ah ee tartamada oo dhan.
Xiddiga reer Portugal ayaa kaliya ka dambeeya halyeeyga reer Brazil ee Pele kaas oo haatan ah xiddiga ugu goolasha badan isaga oo dhaliyay 767 gool.
Ronaldo ayaa dhankiisa dhaliyay 735 gool isaga oo kaliya 32 gool ka dambeeya Halyeeyga reer Brazil ee Pele xilli uu marayo sanadihii ugu dambeeyay xirfadiisa ciyaareed
Xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa ku jira kaalinta 5-aad isaga oo ka dambeeya Pele, Ronaldo, Romario iyo Mueller kuwaas oo ah 4-ta xiddig ee ugu goolasha badan taariikhda kubada cagta kulamada Rasmiga ah.
Kulamada la xisaabinayo ayaa ah kaliya kulamada Rasmiga ah ee aanay saaxiibtinimooyinku ku jirin ee xulka iyo kooxahaba ee ay dhaliyeen xiddiguhu.
Hadaba Halkan hoose Kaga Bogo 13-ka xiddig ee ugu goolasha badan taariikhda kubada cagta:
- Pelé 767
- Cristiano Ronaldo 735
- Romario 734
- Gerd Mueller 720
- Messi 716
- Puskas 706
- Bican 636
- Eusébio 615
- Deak 558
- Friedenreich 554
- Ibrahimovic 544
- Zico 525
- Di Stefano 516
Sii Akhriso: Itoobiya Oo Ka Digtay Sal Dhiga Militari Ee Ay Masar Ka Doonayso Somaliland, Maxay Tahay Sababtu.
Be the first to comment