Xiddigaha Ugu Goolasha Badan Taariikhda European Championship

Xherdan Shaqiri ayaa noqday ciyaartoygii 22-aad ee gaadha shan gool oo koobka qaramada Yurub ah kadib goolkii cajiibka ahaa ee uu Switzerland ka dhaliyay Scotland kulan ka tirsan Group A ee Euro 2024.

Laacibkii hore ee Liverpool iyo Bayern Munich ayaa ka faa’iidaystay khalad uu galay xiddig u ciyaara Scotland waxana uu ciyaarta ku soo celiyay xulkiisa.

Goolkaas ayaa ka caawiyay Shaqiri in uu ka mid noqdo xiddigo taariikhda ka galay euro kuwaas oo ugu yaraan 5 gool ka dhaliyay euro kana mid ah Michel Platini, Jurgen Klinsmann, Zinedine Zidane, Thierry Henry, Cristiano Ronaldo & Romelu Lukaku.

Shaqiri ayaa sidoo kale dhaliyay oolal la mid ah Marco van Basten, Robert Lewandowski & Zinedine Zidane isla markaas dhaafi kara hadii uu dhaliyo gool kale tartanka.

Hadaba Halkan kaga bogo xiddigaha ugu goolasha badan taariikhda European championship.

Cristiano Ronaldo (Portugal) 14 Gool

Michel Platini (France) 9 Gool

Alan Shearer (England) 7 Gool

Alvaro Morata (Spain) 7 Gool

Antoine Griezmann (France) 7 Gool

Ruud van Nistelrooy (Netherlands) 6 Gool

Patrick Kluivert (Netherlands) 6 Gool

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga