Xiddigaha Ugu Goolasha Badan Champions League xilli Ciyaareedkii Dhamaaaday.

Waxa la soo gaba-gabeeyay champions league xilli cigaareedkan.

Kooxda PSG ayaa Nasiib u yeelatay in ay ku guulaysato tartanka champions league.

Kadib dhamaadka tartanka waxa aan eegi doonaa xiddigaha ugu goolasha badan tartanka xilli cigaareedkan.

Xiddiga kooxda Barcelona ee Raphinha iyo xiddiga Dortmund Serhou Guirassy ayaa ahaa xiddigaha ugu goolasha badan tartanka.

Labada xiddiga ayaa dhaliyay min 13 gool tartanka champions league xilli cigaareedkan.

Waxa ku xiga xiddigaha Harry Kane iyo Robert Lewandowski kuwaas oo leh min 11 gool.

Waxa ku xiga xiddiga Inter Milan ee Lautaro Martínez kaas oo leh 9 gool.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga