Xiddigaha Ugu Cad-Cad Ku Guulaysiga Gool Dhalinta Premier League Xilli Ciyaareedkan Oo La Saadaaliyay.

Xiddigii hore ee kooxda Man United ee Andy Cole ayaa saadaaliyay in ay xiddigaha Sergio Aguero, Jamie Vardy iyo Pierre-Emerick Aubameyang u tartami doonaan gool dhalinta premier League xilli ciyaareedkan.

Xiddiga Mohamed Salah ayaa 3 gool dhaliyay kulankii ugu horeeyay ee horyaalka premier League halka xiddiga Jamie Vardy dhaliyay 2 gool sidoo kale xiddigo badan oo kale dhaliyeen min hal gool horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Andy Cole oo la hadlaya wargayska Mirror ayaa yidhi” waan jecelahay Pierre-Emerick Aubameyang, waxan u malaynayaa in ay Arsenal haysato weeraryahan laga cabsado marka loo eego sida uu u ciyaarayo”.

“Hadii uu sidaas u sii ciyaaro waxa uu fursad weyn u haystaa ku guulaysiga kabtanka dahabka ah ee gool dhalinta”.

“Aguero iyo Vardy waxa ay sidoo kale muujiyeen awoodooda goolka hortiisa waxana aan u malaynayaan in ay u tartami doonaan gool dhalinta”ayuu sii raaciyay.

Laacib.net

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*