Xiddigaha Tirada Ugu Badan Ka Soo Muuqday Final Champions League.

Waxa caawa la ciyaari doona kulanka la wada sugayo ee final Champions League xilli cigaareedkan.

Xiddig kasta waxa uu ku riyoodaa ama jecelyahay in uu ka soi muuqdo final champions league.

Laakiin xiddigaha qaarkood ayaa ka nasiib badan kuwa kale waxana ay Marar badan ka soo muuqdeen final champions league.

Xiddigaha Dani Carvajal, Paolo Maldini, Toni Kroos, Luka Modric iyo Cristiano Ronaldo ayaa ah xiddigaha tirada ugu badan ka soo muuqday final champions league iyaga oo ka soo muuqday min 6 jeer.

Xiddigaha Patrice Evra, Karim Benzema, Clarence Seedorf iyo Edwin van der Sar ayaa ku xiga iyaga oo min 5 jeer ka soo muuqday Final champions league.

Halkan kaga bogo Luis ka xiddigaha tirada ugu badan ka soo muuqday final champions league.

6 Dani Carvajal (Real Madrid)

6 Toni Kroos (Bayern, Real Madrid)

6 Paolo Maldini (AC Milan)

6 Luka Modrić (Real Madrid)

6 Cristiano Ronaldo (Man United, Real Madrid)

5 Karim Benzema (Real Madrid)

5 Patrice Evra (Monaco, Man United, Juventus)

5 Clarence Seedorf (Ajax, Real Madrid, AC Milan)

5 Edwin van der Sar (Ajax, Man United)

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga