Xiddigaha Seegi Doona & Shaxda Ay Man United Ku Ciyaari Doonto Kulanka Villarreal

Manchester United ayaa rajeyneysa in Cristiano Ronaldo uu sii wato qaab ciyaareedkiisa gooldhalinta ee kooxda kulanka Champions League ee ay caawa la ciyaari doonaan kooxda Villarreal.

Xiddiga ayaa dhaliyay 4 gool tan ilaa markii uu ku soo laabtay United waxana uu ku fashilmay in uu gool dhaliyo kulankii Aston Villa ee ay United guuldarada la kulantay Sabtidii.

Laakiin Cristiano ayaa caawa ciyaari doona tartanka uu ugu jecelyahay marka la eego in uu goolasha ugu badan ka dhaliyay tartanka sidoo kale rikoodho badan ka haysto.

Man United ayaa waayi doonta xiddigaha Luke Shaw iyo Kabtankeeda Harry Maguire kadib markii ay ku dhaawacmeen kulankii ay guuldarada kala kulantay kooxda Aston Villa premier League.

Shaxda laga yaabo in ay Man United kaga hor tagto Villreal:

De Gea; Dalot, Lindelof, Varane, Telles; McTominay, Fred; Greenwood, Fernandes, Pogba; Ronaldo.

Sii Akhriso: Gabadheey!! Ma Doonaysaa In Aad Ogaatid In Uu Ninku Yahay Mid Kugu Haboon Adiga, Ma Doonaysaa In Aad Ku Ogaatid Shakhsiyadiisa Kulanka Ugu Horeeya, 3-dan Su’aal Ayaa Kaaga Filan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*