Xiddigaha Real Madrid Ee Aan Aadi Doonin Koobka Adduunka.

Iyada oo dhamaan xulalku soo saareen Liiska xiddigaha ay kaga qayb gali doonaan koobka adduunka, Real Madrid ayaa ogaatay xiddigaha aan ka aadi doonin koobka adduunka.

Sababo kala duwan darteed Los Blancos ayaa haysata 9 xiddig oo aan aadi doonin koobka adduunka sanadkan ka dhici doona dalka Qatar.

Ancelotti ayaa haysta xiddig u nasan doona kooxda inta uu socodo koobka adduunka si uu ugu dagaalamo qaybta dambe ee xilli ciyaareedka.

Real Madrid ayaa sidii caadada ahay ku lahaan jirtay xiddigo badan koobka adduunka taariikh ahaan laakiin waxa aad moodaa in ayna sidaas ahayn sanadkan.

Xiddigaha David Alaba, Andriy Lunin, Mariano, Jesus Vallejo, Nacho, Alvaro Odriozola, Lucas Vazquez, Dani Ceballos iyo Toni Kroos ayaa ah xiddigaha Real madrid ee aan aadi doonin koobka adduunka.