Xiddigaha Man United Oo Sugaya In La Caydhiyo Ten Hag Si Ay…..

Tiro ka mid ah ciyaartoyda Manchester United ayaa dib u dhigaya go’aannada mustaqbalkooda, sababtoo ah hubanti la’aanta ku saabsan in Erik ten Hag uu kooxda sii joogi doono xilli ciyaareedka soo socda, sida ay sheegayaan wararku.

Cadaadiska ayaa mar kale ku badanaya Tababaraha Man United kadib bar-barihii ay kooxdiisu la gashay Bournemouth kulan ka tirsanaa horyaalka premier League.

Man United waxa uu heshiiskoodu dhacayaa 7 ka mid ah kooxda 1-aad xilli ay kooxdu ku jirto xilli ciyaareed niyad jab leh.

Waxa jira xiddigo lala xidhiidhinayo in ay isaga tagayaan kooxda.

Sida laga soo xigtay The Manchester Evening News, qaar ka mid ah ciyaartoyda United ayaa sugaya waxa ku dhaca tababaraha reer Holland ka hor inta aysan go’aansan mustaqbalkooda.

Natiijooyinkii isbuucaan waxay keentay in ay Man United 13 dhibcood ka hoosayso kooxda Aston Villa ee ku jirta kaalinta 4-aad inkasta oo ay kaalinta 5-aad ka caawin karto in ay u soo baxdo champions League laakiin waxa ay sidoo kale booskaas ka dambeeyaan 10 dhibcood.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga