Xiddigaha Liverpool Xitaa Ma Xidhi Karaan Kabaha Kevin De Bruyne

Xiddigii hore ee kooxda Liverpool ayaa sheegay in ayna qaar ka mid ah xiddigaha Liverpool ayna xitaa xidhi garin kabaha Kevin De Bruyne.

Kooxda Jurgen Klopp ayaa 23 dhibcood ka horaysa kooxda Man City kuna guulaystay horyaalka premier League iyada oo 7 kulan ka hadhsanyihiin dhamaadka xilli ciyaareedka.

Kooxda Pep Guardiola ayaa wado sharafeed u samayn doona Liverpool khamiista kulankooda ka dhici doona Etihad Staduim.

Laakiin xiddigii hore ee Liverpool Danny Murphy ayaa weerar ku qaaday Fikirkas isaga oo sheegay in uuna jirin xiddig la heer ah xiddiga Man City ee De Bruyne.

“Kevin De Bruyne waa xiddiga ugu fiican adduunka, waxana uu sacab u tumayaa xiddigaha Liverpool oo aan xitaa kabihiisa xidhi karin”.

Advertisements

Tababaraha Man City ee Pep Guardiola oo qirtay dadaalka ay Liverpool xilli ciyaareedkan ku bixisay ku guulaysiga horyaalka ayaa sheegay in ay xiddigaha Liverpool wado sharafeedka u samayn doonaan Liverpool kulanka khamiista.

Sii Akhriso: DEGDEG: Golaha wakiilada Somaliland Oo Kalsoonida Kala Laabtay Gudoomiyaha Xusbiga Mucaaridka Ah UCID Ee Faysal Cali Waraabe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*