Xiddigaha Liverpool Kuma Faraxsana Bakhaylnimada Mohamed Salah.

Halyeeyga kooxda Liverpool ee Graeme Souness ayaa sheegtay in ayna xiddigaha Liveprool ku faraxsanayn bakhaylnimadii uu Mohamed Salah soo bandhigay kulankii Brighton ee horyaalka premier League xilli uu ku raad joogto tartanka Gool dhalinta prmeier Legaue.

Xiddiga reer Masar ayaa gool wakhti hore ah dhaliyay kulankii Brightonka hor inta uuna caawin ka noqon goolka Jordan Henderson isaga oo qaybtii dambe dhaliyay goolkkiisii 2-aad.

Labad gool ee Mohamed Salah ayaa sabab u ah in uu dhaliyay 19 gool oo premier League ah xilli ciyaareedkan isgaa oo 3 gool ka dambeeya xiddiga Jamie Vardy waxana uu dhawr mar iska indha tiray in uu kubada u dhigo xiddigo ay isku koox yihiin gool meel banaan joogay kuwaas oo gool ka dhalin karay kulanka.

Halyeeyga Reds ee Souness ayaa dareensan in ay xiddigaha Liverpool ay ka cadhoon doonaan sida uuna Mohamed Salah kubada ugu hibayn dhamaystirka kubada isaga oo sheegay in ay bakhaylnimadiisu tahay heer ka badan xitaa weeraryahanada waaweyn.

“Waxa uu ahaa mid bakhaayl ah kulankii Brighton laga bilaabo ilaa daqiiqadii ugu horaysay, waxan u malaynayaa in ay kabta dahabku muhiim u tahay”ayuu Souness yidhi.

“Waxa aad arkaysay fal-celiskiisa marka aan kubada loo dhigin marka la hor tago goolka”.

“Waxa uu laadayay fursad walba oo uu helo, xiddigaha ay isku kooxda yihiin waxa ay u muuqdeen kuwo aan ku faraxsanayn dhawr mar”.

“Laakiin waxa uu ahaa Bakhayl kulankii Brighton waxana uu run ahaantii ka fikirayaa gool dhalinta”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*