Xiddigaha Liverpool & Jurgen Klopp Oo La Dabaal-Dagay Mohamed Salah.

Xiddigaha iyo shaqaalaha tababarka kooxda Liverpool ayaa la dabaal dagay xiddiga Mohamed Salah kaas oo dhigay horyaalka premier League kulankii Leeds United.

Kooxda Liverpool ayaa garaacday leeds United Axadii kulan ka tirsanaa todobaadkii 4-aad ee horyaalka premier League kulan ay ku badisay 3/0.

Xiddiga Mohamed Salah ayaa dhaliyay goolka 1-aad ee ciyaarta kadib markii ay 20 daqiiqo socotay qaybta hore ee ciyaarta

Kadib goolkaas Mohamed Salah ayaa dhaliyay goolkiisii 100-aad ee horyaalka premier League isaga oo 98 u dhaliyay Liverpool 2 gool-na u dhaliyay kooxda chelsea.

Kooxda Liverpool ayaa soo dhigtay sawir ay Xiddigaha Liverpool iyo shaqaalaha tababarku la galeen Mohamed Salah oo kor u haya maaliyad ay ku qorantahay 100 oo ka turjumaya goolasha uu Salah dhaliyay.

Liverpool ayaa sii raacisay qoraal ah”100 gool boqorka Masar”.

“Hamblayo Kaaga timid dhamaanteen Mohamed Salah”.

Sii Akhriso: Waxyaabaha Uusan Ninku Weydiin Gabadha Uu Jecelyahay

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*