Xiddigaha Liverpool Ee Aan Aadi Doonin Koobka Adduunka.

Kooxda Liverpool ayaa si Rasmi ah u ogaatay Liiska xiddigaha ka aadi doona koobka adduunka Sanadkan.

Koobka adduunka ayaa ka bilaaban doona dalka Qatar todobaadka dambe iyada oo xiddiguhu isku diyaarinayaan tartanka ugu qaalisan xulalka.

Liverpool ayaa ogaatay in ay kaliya 7 xiddig ka tagi doonaan koobka adduunka sanadkan iyada oo ayna xiddigo badan ka aadi doonin koobka adduunka.

Ugu yaraan 21 xiddig ayaan Liverpool ka aadi doonin koobka adduunka marka lagu daro xiddigaha dhaawaca uga maqnaan doona koobka adduunka.

Xiddiga Jota ayaa ah xiddiga kaliya ee dhaawaca ku seegi doona koobka adduunka isla markaas ka qayb qaadan lahaa hadii uuna dhaawacmin.

Halkan Kaga Bogo xiddigaha aan Liverpool ka aadi doonin koobka adduunka:

Kelleher, Adrian, Salah, Diaz, Robertson, Ramsey, Phillips, Elliott, Milner, Ox, Jones, Gomez, Firmino, Thiago, Carvalho, Matip, Keita, Tsimikas, Jota, Arthur.