Xiddigaha La Filayo In Ay Ku Tartamaan Gool Dhalinta Euro 2020.

Waxa maanta bilaaban doona tartanka Euro 2020 oo ay taageerayaasha kubada cagtu si aad ah u sugayaan bilaabashadiisa iyo waliba in ay ku raaxaystaan daawashadiisa.

Xiddigo badan oo cajiib ah ayaa ka qayb galaya tartanka kuwaas oo ah xiddigaha sida weyn loo daawan doono inta uu tartanku socdo.

Tartanka gool dhalinta tartanka Euro 2020 ayaa xiiso gaar ah yeelan doona marka la eego in ay ka qayb galayaan xiddigo weeraryahano ah oo aad u fiican kuwaas oo la filayo in ay goolal badan dhaliyaan.

Waxa jira xiddigo weeraryahano ah kuwaas oo ku tartamaya gool dhalinta tartanka sanadkan waliba la filayo in ay qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigaan tartanka sanadkan.

Hadaba wargayska Metro ayaa shaaciyay xiddigaha la filayo in ay u tartamaan gool dhalinta tartanka Euro 2020 sanadkan iyaga oo tartanka bilaabanaya iyaga oo ku jira qaab ciyaareed fiican.

Xiddigaha Robert Lewandowski, Ciro Immobile, Romelu Lukaku, Harry Kane, Kylian Mbappe iyo Cristiano Ronaldo ayaa ah xiddigaha la filayo in ay u tartamaan gool dhalinta tartanka Euro 2020.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*