Xiddigaha Ku Guulaystay Kabta Dahabka Ah Ee Gool Dhalinta Yurub 20-kii Sano Ee Ugu Dambeeyay.

Tartanka Abaalmarinta Kabta dahabka ah ayaa muhiimad gaar ah yeelatay sanadihii ugu dambeeyay gaar ahaan 20-kii sano ee ugu dambeeyay laga soo bilaabo 2001 ilaa 2020 oo sanadkan ah.

Abaalmarinta ayay sanadahaas ku guulaysteen xiddigo aad u badan iyada oo xiddigaha qaar dhawr jeer ku guulaysteen xiddigo kalena hla sano ku guulaysteen.

Sidoo kale waxa 20-kii sano ee ugu dambeeyay jiray laba xiddig oo hal xilli ciyaareed gudohood la wada guudoonsiiyay abaalmarinta kadib markii ay isku goolal noqdeen.

Xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa ah xiddiga kaliya oo 6 jeer ku guulaystay taariikhda abaalmarinta 20-kii sano ee ugu dambeeyay isaga oo waliba Barcelona kaliya ugu guulaystay abaalmarinta.

Xiddiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa ku xiga isaga oo 4 jeer ku guulaystay abaalmairnta isaga oo hal mar ugu guulaystay isaga oo jooga Man United 3 jeerna ku guulaystay isaga oo jooga Real Madrid.

Xiddiga Barcelona ee Luis Suarez ayaa isaguna 2 jeer ku guulaystay abaalmarinta isaga oo sanadkii 2014 abaalmarinta la wadaagay Cristiano Ronaldo isaga oo jooga Liverpool halka uu mar kale ku guulaystay isaga oo jooga Barcelona.

Xiddiga Diego Forlan ayaa isaguna 2 jeer ku guulaystay isaga oo sanadkii 2005 abaalmarinta la wadaagay Theiry Henry isaga oo jooga kooxda Villarreal halka uu mar kale ku guulaystay isaga oo jooga Atletico Madrid.

Halyeeyga Arsenal ee Thiery Henry ayaa isaguna 2 jeer ku guulaystay isaga oo sanadkii 2005 abaalmarinta la wadaagay Diego Forlan halka uu 2004 kaligiis ku guulaystay abaalmarinta.

Hadaba sawirkan hoose kaga bogo 2001 ilaa 2020 xiddigihii ku guulaystay abaalmarinta & Goolashii ay dhaliyeen

Image

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*