Xiddigaha Ku Guulaysan Doona Gool Dhalinta Premier League Oo La Saadaaliyay.

Xiddigaha Romelu Lukaku iyo Cristiano Ronaldo ayaa si wada jir ah ugu cadcad ku guulaysiga kabta dahabka ee Premier League xilli ciyaareedkan.

Ronaldo ayaa laba gool dhaliyay kulankiisii ugu horeeyay ee uu ku soo laabtay man United kadib markii uu dib ugu soo laabtay kooxda ku ciyaarta Old Trafford.

Lukaku, oo isna ku soo laabtay kooxdiisii ​​hore ee Chelsea, ayaa laba gool ka dhaliyay Aston Villa Sabtidii isaga oo sidaas ku gaadhay goolkiisii 3-aad ee premier League.

Xiddigaha Mohamed Salah, Harry Kane & Bruno Fernandes ayaa sidoo kale ku jira tartanka gool dhalinta premier League xilli ciyaareedkan.

Fernandes oo dhaliyay saddexley kulankii ugu horeeyay xilli ciyaareedka ayaa sidoo kale dhaliyay gool kulankii Newcastle waxana uu sidaas ku gaadhay goolkiisii 4-aad.

Xiddigaha Michail Antonio, Dominic Calvert-Lewin, Mason Greenwood iyo Mohamed Salah ayaa sidoo kale ku xiga oo dhaliyay min 3 gool horyaalka premier League.

Laakiin shabakada Betfair ayaa xiddigaha Ronaldo iyo Lukaku u saadaalisay in ay si wada jir ah ugu guulaysan doonaan gool dhalinta premier League.

Sii Akhriso: Waxyaabaha Uusan Ninku Weydiin Gabadha Uu Jecelyahay

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*