Kooxda Arsenal ayaa isku diyaarinaysa kulanka champions league ee ay caawa la ciyaari Doonaa Sporting Lisbon.
Kooxda Mikel Arteta ayaa wajahaysa in ay Ka maqnaadaan xiddigo muhiim ah kulanka caawa.
Kooxda Arsenal waxa maqnaan doona Bukayo Saka iyo Jurrien Timber, iyadoo labadooduba aysan u safrin Portugal.
“Wali ma aysan safrin,” ayuu yiri Mikel Arteta.
“Bal aan aragno, waxaan rajeyneynaa inay diyaar u noqon doonaan ciyaarta usbuuca dhammaadkiisa, haddii wax walba si fiican u socdaan.”
Be the first to comment