
Horyaalada ugu waaweyn yurub ayaa maraya meel xiiso leh iyada oo la galay bartamihii xilli ciyaareedka 2020/2021 kooxuhuna u tartamayaa horyaaladooda kala duwan.
Waxa jira xididgo qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay ilaa haatan xilli ciyaareedkan waliba kooxohooda ka caawiyay goolal badan hadii ay tahay caawin ama gool dhalin.
Xiddiga kooxda Bayern Munich ee Robert Lewandowski ayaa ah xiddiga ilaa haatan goolasha ugu badna ku lug leh 5-ta horyaal ee ugu waaweyn qaarada yurub.
Xiddiga Robert Lewandowski ayaa ilaa haatan dhaliyay 25 gool sidoo kale sameeyay hal caawin oo horyaalka Germany ee Bundesliga ah xilli ciyaareedkan.
Waxa kaalinta 2-aad ku jira xiddiga kooxda Tottenham ee Harry Kane isaga oo dhaliyay 12 gool 11 kalena caawiye ka noqday ilaa haatan premier League.
Waxa kaalinta 3-aad ku jira xiddiga kooxda Man United ee Bruno Fernandes kaas oo dhaliyay 11 gool sidoo kale caawiye ka noqday 7 kale.
Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo Xiddigaha goolasha ugu badan ku lug leh ilaa haatan 5-ta horyaal ee ugu waaweyn yurub.
No. | Xiddiga | Gool | Caawin | |
---|---|---|---|---|
1. | Robert Lewandowski | 25 | 1 | |
2. | Haryy Kane | 12 | 11 | |
3. | Bruno Fernandes | 11 | 7 | |
4. | Son Heung-Min | 12 | 6 | |
5 | Kylian Mbappe | 12 | 5 | |
6. | Cristaino Ronaldo | 15 | 2 |
Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 5 Calaamad Oo Kuu Muujinaysa In Uu Gacaliyahaagu Aad Kuu Jecelyahay.
Be the first to comment