Xiddigaha Goolasha Ugu Badan Ka Dhaliyay Hogaaminta Pep Guardiola.

Tababarahah kooxda Man City ee Pep Guardiola ayaa soo hogaamiyay xiddigo badan oo heer caalami ah intii uu tababaraha ka soo ahaa kubada cagta,

Tababare Guardiola ayaa soo hogaamiyay tababare ahaan kooxaha Barcelona, Bayern Munich iyo Man City oo uu hogaaminayo tababarane u yahay.

Kooxaha uu soo tababare waxa u soo ciyaaray xiddigo badan oo heer caalami ah kuwaas oo hogaaminta Guardiola ka hoos dhaliyay goolla badan.

Xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa ah xiddiga goolasha ugu badan u dhaliyay tababare Pep Guardiola intii uu hogaaminyay Barcelona.

Xiddiga Lionel Messi ayaa dhaliyay 211 gool intii uu ka hoos ciyaarayay tababaraha reer Spain ee Pep Guardiola una ciyaarayay kooxda Barcelona.

Xiddiga Sergio Aguero ayaa ah xiddiga 2-aad ee goolasa ugu badan ka hoos dhaliyay Pep Guardiola isaga oo ka hoos dhaliyay 120 gool intii uu kaga hoos ciyaarayay kooxda Man City.

Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo Xiddigaha Pep Guardiola ka hoos dhaliyay goolasha ugu badan:

  1. Lionel Messi (Barcelona) 211 Gool
  2. Sergio Aguero (Man City) 120
  3. Raheem Sterling (Man City) 97
  4. Thomas Muller (Bayern Munich) 79
  5. Gabriel Jesus (Man City) 72
  6. Robert Lewandowski (Bayern Munich) 67

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 5 Calaamad Oo Kuu Muujinaysa In Uu Gacaliyahaagu Aad Kuu Jecelyahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*