Xiddigaha Goolasha Ugu Badan Ka Dhaliyay 5-ta Horyaal Ee Ugu Waaweyn Yurub Sanadka 2020, Ronaldo Ayaa Wacdaro Dhigaya.

Sanadka 2020 ayaa ku sii dhawaanaya in uu dhamaado iyada oo todobaad iyo badh inaga xigto dhamaadka sanadka 2020.

Sanadkan ayaa ahaa mid ka duwan sanadihii hore iyada oo xanuunka Korona ka duway sanadihii hore ee aan soo marnay.

Laakiin halka wax ee aan is badalin ayaa ah xiddiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo kaas oo wali sii wada qaab ciyaareedkii iyo gool dhalinyii cajiibka ahayd.

Xiddiga Ballon d’Or ku guulaystay ayaa ah xiddiga ugu goolasha badan 5-ta horyaal ee ugu waaweyn sanadka 2020 isaga oo dhaliyay 33 gool.

Xiddiga ku xiga ayaa ah xiddiga kooxda Bayern Munich ee Lewandowski kaas oo dhaliyay 32 gool hal gool-na ka dambeeya Ronaldo.

Hadaba halkan hoose Kaga Bogo Xiddigaha goolasha ugu badan dhaliyay horyaalkada ugu waaweyn yurub.

  1. Cristiano Ronaldo (Juventus) 33 Gool
  2. Robert Lewandowski (Bayern Munich) 32
  3. Ciro Immobile (Lazio) 26
  4. Erling Haaland (Borussia Dortmund) 23
  5. Mohamed Salah (Liverpool) 23
  6. Romelu Lukaku (Inter) 21
  7. Zlatan Ibrahimovic (Ac Milan) 20
  8. Kylian Mbappé (PSG) 18
  9. Andre Silva (Eintracht Frankfurt) 18
  10. Franscesco Caputo (Sassoulo) 18
  11. Wout Weghorst (Wolfsburg) 18
  12. Lionel Messi (Barcelona) 18
  13. Andrea Belotti (Torino) 18
  14. Heung-min son (Tottenham) 17.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*