Xiddigaha Goolasha Ugu Badan Dhaliyay Sanadka 2020 Horyaalada Ugu Waaweyn Yurub.

Sanadka 2020 ayaa ahaa mid ku adag dhanka kubada cagta iyada oo uu xanuunka Korona saamayn xun ku yeeshay kubada kadib markii muddo bilo ah la joojiyay.

Laakiin xiddigaha kubada cagta ayaa farxada ku soo celiyay taageerayaasha kubada cagta kadib markii dib loo bilaabay tartamada kubada cagta.

Waxa jira xiddigo badan oo qaab ciyaareed fiican soo bandhigay sanadka 2020 waliba dhaliyay goolal aad u badan horyaalada ugu waaweyn qaarada yurub.

Xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa goolasha ugu badan dhaliyay horyaalka premier League sanadka 2020 kadib markii uu dhaliyay 23 gool.

Hadii aan ka hadlno horyaalka Serie A-da xiddiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa wacdaro dhigay sanadkan isaga oo kooxdiisa u dhaliyay 33 gool horyaalka Serie A-da sanadka 2020.

Xiddiga kooxda Bayern Munich ee Robert Lewandowski ayaa dhankiisa goolasha ugu badan u dhaliyay kooxdiisa horyaalka Bundesliga isaga oo dhaliyay isaga oo dhaliyay 32 gool.

Ugu dambayn xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa dhaliyay 19 gool horyaalka La Liga sanadka 2020 xilli uu Leo soo qaatay sanadka 2020.

Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo Sawiradan xiddigaha Goolasha ugu badan dhaliyay Horyaalada ugu waaweyn yurub sanadka 2020:

Image

Image

Image

Image

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*