Xiddigaha Goolasha Ugu Badan Dhaliyay Premier League Sanadka 2020, Salah Ayaa Hogaaminaya.

Waxa xalay la ciyaaray kulankii ugu dameeyay Premier League ee sanadka 2020 waxana la soo afjaray sanad xiiso lahaa horyaalka premier League.

Waxa jira xiddigo goolal badan dhaliyay premier League sanadka 2020 iyada oo xiddigo badan soo bandhigeen qaab ciyaareed cajiib ah.

Xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa dhaliyay goolasha ugu badan sanadka 2020 kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo uu soo bandhigay.

Xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa dhaliyay 23 gool oo sanadka 2020 ah isaga oo goolasha ugu badan ka dhaliyay horyaalka premier League sanadka.

Waxa ku xiga xiddiga kooxda Man United ee Bruno Fernandes kaas oo dhaliyay 18 gool horyaalka premier League sanadka 2020 kadib markii uu bishii January ku soo biiray Reds.

Hadaba Halkan Hoose kaga bogo Liiska xiddigaha goolasha ugu badan ka dhaliyay Premier league:

Image

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*