Xiddigaha Goolasha Ugu Badan Dhaliyay Ilaa Haatan Sanadka 2021 Oo La Soo Saaray.

Xiddigaha kooxda PSG iyo Barcelona ee Lionel Messi iyo Kylian Mbappe ayaa ah labada xiddig ee goolasha ugu badan ka dhaliyay 5-ta horyaal ee ugu waaweyn qaarada yurub ilaa haatan sanadka 2021.

Xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa dhaliyay 23 gool tartamada oo dhan tan ilaa markii uu bilowday sanadka 2021 halka uu xiddiga kooxda PSG ee Kylian Mbappe dhaliyay 23 gool.

Labada xiddig ayaa ciyaaray 24 kulan oo kooxohooda ah tan ilaa markii uu bilowday sanadka 2021 ee haatan maraya bishii 4-aad.

Xiddiga kooxda Bayern Munich ee Robert Lewandowski ayaa dhankiisa ku jira kaalinta 3-aad isaga oo dhaliay 21 gool 17 kulan oo uu ciyaaray ilaa haatan sanadka 2021.

Hadaba Halkan Kaga Bogo xiddigaha goolasha ugu badan dhaliyay ilaa haatan horyaalada ugu waaweyn qaarada yurub:

  1. Lionel Messi: 23 gool
  2. Kylian Mbappe: 23
  3. Robert Lewandowski: 21
  4. Erling Haaland: 20
  5. Gerard Moreno: 16
  6. André Silva: 16
  7. Cristiano Ronaldo: 16
  8. Simeon Tochukwu Nwankwo: 15
  9. Karim Benzema: 15
  10. Harry Kane: 15

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Ninow 4-tan Arin Ha U Sheegin Gabadha Hadii Aad Si Dhab Ah U Jeceshahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*