Xiddigaha Dhibcaha Ugu Badan U Shaqeeyay Kooxohooda Premier League Oo La Soo Saaray

Horyaalka Premier League ayaa maraya meel gaba-gabo ah iyada oo haatan dhamin yihiin kulamo tiro yar kuwaas oo lagu kala bixi doono todobaadyada yar ee soo socda.

Kooxda Liverpool ayaa wakhti horeba ku guulaystay horyaalka Laakiin waxa wali dagaal loogu jiraa kaalmaha champions League iyo kaalmaha sii joogista tartanka xilli ciyaareedka dambe.

Waxa jira xiddigo badan oo qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay xilli ciyaareedkan waliba sabab u ahaa guulaha kooxdooda ay gaadhay xilli ciyaareedkan horyaalka premier League.

Shabakada Sky Sport ayaa soo bandhigtay xiddigaha kooxohooda dhibcaha ugu badan u shaqeeyay intii uu socday xilli ciyaareedkan 2019/2020.

Xiddigahaas ayaa goolasha ay dhaliyeen dhibco muhiim ah ugu shaqeeyay kooxdooda horyaalka premier League intii uu socday xilli ciyaareedkan haatan.

Advertisements

Xiddiga Liverpool ee Sadio Mane ayaa ah xiddiga dhibcaha ugu badan u shaqeeyay kooxdiisa isaga oo u shaqeeyay 18 dhibcood waxana la mid ah xiddiga kooxda Wolves ee Raul Jimenez kaas oo isna kooxdiisa u shaqeeyay 18 dhibcood.

Hadaba Sawirkan hoose kaga bogo xiddigaha dhibcaha ugu badan u shaqeeyay kooxohooda premier League:

Image

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*