Xiddigaha Chelsea Oo Maamulka Kooxda Ka Dalbaday In Ay La Soo Saxiixdaan Xiddig Lala Xidhiidhinayo Arsenal Iyo Tottenham Oo Premier League Ka Ciyaara.

Xiddigaha kooxda chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay maamulka Kooxda u sheegeen in ay la soo saxiixdaan xiddiga weerarka uga ciyaara Everton ee Richarlison sida ay sheegayaan wararku.

Thomas Tuchel ayaan wali samayn wax saxiix ahsuuqa xagaagan inkasta oo ay haatanba ka bexeen kooxda xiddigaha Antonio Rudiger & Andreas Christensen oo xor uga tagay iyo Romelu Lukaku oo ku dhaw in uu Amaah ugu biiro Inter.

Richarlison Ayaa dhanka kale doonaya in uu ka tago kooxda suuqa xagaaan xilli uu xiiso ka helayo kooxo premier League ka ciyaara.

Everton ayaa xiddiga ku qiimaysa lacag dhan 50 milyan oo euro waxana uu xiiso ka helayaa kooxaha Arsenal iyo Tottenham kuwaas oo doonaya saxiixiisa.

Sida laga soo xigtay The Sun, Xiddigaha kooxda chelsea ayaa maamulka Blues u sheegay in ay la soo saxiixdaan xiddiga Richarlison si ay ugu buuxiyaan booska Romelu Lukaku.

Wararka ayaa sheegaya in xiddigaha chelsea aaminsanyihiin in uu Richarlison buuxin karo booska Lukaku marka la eego in uu yahay xiddig dar-dar badan oo khal-khaliya daafaca kooxaha ka soo hor jeeda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*