Xiddigaha Barcelona Oo Doortay Tababaraha Ay Doonayaan In Lagu Badalo Quique Setien?

Xiddigaha Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay xiddigii hore ee kooxda ee Patrick Kluivert ka dhigaan tababarhaa cusub ee kooxda kuna badalaan tababare  Quique Setien.

Xilli ay kooxda Barcelona wayday horyaalka La Liga waxa si weyn loo filayaa in shaqada laga caydhiyo tababare Quique Setien dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Xiddigaha Barcelona ayaa si weyn uga niyad jabay tababare Quique Setien waxana ay doonayaan in shaqada laga caydhiyo tababarha dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Wararka ka imanaya Spain ayaa sheegaya in ay xiddigaha Barcelona maamulka kooxda u sheegeen in ay doonayaan Patrick Kluivert in loo magacaabo tababaraha kooxda Xilli ciyaareedka dambe.

Patrick Kluivert ayaa ah xiddig u soo ciyaaray kooxda Barcelona waxana ay xiddiguhu isku raaceen in uu noqdo tababaraha cusub ee kooxda xilli ciyaareedka dambe.

Sii Akhriso: DEG-DEG: Nin Hubaysan Oo Dad Shacab Ah Ku Laayay Magaalada Muqdisho & Dadka Oo Dumar U Badnaa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*