Xiddigaha Barcelona Ee Aan Aadi Doonin Koobka Adduunka

Xiddigaha kubada cagta ayaa isku diyaarinaya ka qayb galka koobka adduunka kaas oo ka bilaaban doona dalka Qatar.

Xulalka ayaa shaaciyay Liiska xiddigaha ay kaga qayb gali doonaan koobka adduunka iyada oo koox walba ogaatay xiddigaha ka aadi doona koobka adduunka.

Kooxda Barcelona ayaa haatanba ogaatay in ay 8 xiddig ka aadi doonaan koobka adduunka isla markaas xulalkooda soo matali doona.

Laakiin sidoo kale waxa jira xiddigo aan aadi doonin koobka adduunka kuwaas oo ku sugnaan doona kooxda Barcelona una nasan doona.

Xiddigaha Kessie, Roberto, Balde, Torre, Alonso, Bellerin, Pena Iyo Gerard Pique ayaa ah xiddigaha kooxda Barcelona aan ka aadi doonin koobka adduunka.