Xiddigaha Ay Real Madrid Si Dhaw Ula Socon Doonto Koobka Adduunka Oo La Ogaaday, Badalka Benzema Ayay U Arkaan

Kooxda Real Madrid ayaa la sheegay in ay koobka adduunka si dhaw u raadin doonto xiddig weeraryahan ah ka hor suuqa kala iibsiga January.

Wargayska Sport ayaa sheegaya in ay kooxda Real Madrid koobka adduunka si dhaw ula socon doonto xiddigaha Lautaro Martinez & Rafael Leão ka furitaanka suuqa January.

Real Madrid ayaa suuqa January u gali donta xiddigo cusub oo weerarka ah iyada oo uu Karim Benzema ku dhibaatoonayo dhaawacyo xilli ciyaareedkan.

Sidaas darteed Real Madrid ayaa si dhaw u qiimayn doonta xiddigaha Lautaro Martinez & Rafael Leão inta uu socdo koobka adduunka Qatar 2022.

Xiddigaha Lautaro Martinez & Rafael Leão ayaa la filayaa in ay si joogto ah ugu ciyaaraan xulalkooda Portugal iyo Argentina inta uu socdo koobka adduunka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*