Xiddigaha Arsenal Oo Isku Diyaarinaya Soo Dhawaynta Xiddig Ay Arsenal Doonayso Suuqa January

190901 Fotboll, Premier League Soccer Football - Premier League - Arsenal v Tottenham Hotspur - Emirates Stadium, London, Britain - September 1, 2019 Arsenal players before the match REUTERS/David Klein EDITORIAL USE ONLY. No use with unauthorized audio, video, data, fixture lists, club/league logos or "live" services. Online in-match use limited to 75 images, no video emulation. No use in betting, games or single club/league/player publications. Please contact your account representative for further details. © Bildbyrån - COP 7 - SWEDEN ONLY

Xiddigaha Arsenal ayaa haatanba isku diyaarinaya soo dhawaynta xiddiga kooxda Borussia Dortmund ee Julian Brandt sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga Julian Brandt oo ah kubad sameeye ayaa lala xidhiidhinayaa kooxda Arsenal inta lagu jiro suuqa kala iibsiga Bishan January.

Mikel Arteta ayaa suuqa u galay xiddig kubad sameeye ah kadib markii ay kooxdiisu kaliya dhalisay 16 gool premier League xilli ciyaareedkan.

Wargayska Sport Bild ayaa sheegaya in ay xiddigaha Arsenal isku diyaarinayaan soo dhawaynta xiddiga Julian Brandt kadib markii ay Arsenal xiiso Rasmi ah muujisay xiddiga.

Mikel Arteta ayaa u arka xiddiga mid wax weyn ku soo kordhin kara kooxdiisa kana caawin kara in ay u dagaalanto boosaska tartamada yurub xilli ciyaareedkan.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Lamaanaha: Waa Maxay Sababta Ay Raggu Si Deg-deg Ah Ugu Seexdaan Kadib Kulanka Sariirta?

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*