Xiddiga Xulka France Ku Hogaamin Doona Euro 2020 Oo La Kashifay.

Halyeeyga Xulka qaranka France ee William Gallas ayaa sheegay ku soo laabashada xiddiga Karim Benzema in ay xulka Qaranka Ka caawin doonto ku guulaysiga tartanka Euro 2020.

Xulka qaranka France ayaa tartanka euro 2020 soo galaya iyaga oo ku jira Group adag oo ay kula jiraan xulalka waaweyn ee Portugal iyo Germany.

William Gallas oo arintaas kala hadlaya wargayska The Sun ayaa yidhi”Waxa uu xulka France haystaa fursad weyn oo ku guulaysiga atrtanka ah sanadkan”.

“Ku guulaysiga tartanka Euro 2020 way caawin doontaa xulka qaranka France”.

“Marka aad ku guulaysato koobka adduunka waxa ay u badantahay in aad ku guulaysan doontid tartanka Euro-da marka loo eego in ay xulalka France iyo Spain horay ugu guulaysteen”.

“Cid walba way ogtahay in Karim Benzema ka mid yahay weeraryahanada ugu fician adduunka waxana uu soo qaatay xilli ciyaareed cajiib ah”.

“Xulalka u tartamaya tartanka way ka cabsanayaan sidaas darteed Karim Benzema ayaa ka caawin kara xulka in ay ku guulaystaan tartanka Euro 2020”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*