Xiddiga Wacdaraha Ka Dhigaya Barcelona Ee Pedri Oo Sabab La Yaab Leh Ugu Mahad Celiyay Real Madrid.

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Barcelona ee Pedri ayaa muujiyay faraxada uu ku qabo ku biirista Barcelona iyo waliba in uuna ku biirin Real Madrid.

Pedri ayaa qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay tan ilaa bilowgii xilli ciyaareedkan isaga oo kooxda u ciyaaray 10 kulan waliba 2 gool dhaliyay tartamada oo dhan.

Pedri oo la hadlaya wargayska Cadena Ser Ayaa yidhi”Waxa aan ku faraxsanahay in aan u ciyaarayo kooxda Barcelona waxana aan ku raaxaystaa meesha aan uga ciyaarayo kooxda ee khadka dhexe”.

“Waxa aan muddo todobaad ah Real Madrid ku qaatay Tijaabo kadib waxa ay ii sheegeen in aanan soo bandhigin heerkii ay doonayeen laakiin waan uga mahad celinayaa in ay iska diideen saxiixaysa sababta oo ah waxa aan joogaa kooxdii aan waligay doonayay in aan xidho maaliyadooda waana Barcelona.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*