Xiddiga Uu Willian Halista Ku Yahay Mustaqbalkiisa Arsenal Oo La Kashifay Kadib Markii Gunners Ku Dhawaaqday Saxiixa Willian.

Booska xiddiga Nicolas Pepe ee Arsenal ayaa khatar ku jira kadib markii uu Willina ku soo biiray kooxda Arsenal.

Waxa sidaas aaminsan xiddigii hore ee kooxda Arsenal ee Alan Smith kaas oo shaki galiyay mustaqbalka xiddiga reer Ivory Cost una sheegay in uu bilaabo in uu muujiyo awoodiisa hadii uu doonayo in uu sii joogo kooxda.

Kooxda Arsenal ayaa xaqiijisay saxiixa xiddiga Willian kaas oo ay si xor ah ugala soo wareegtay kooxda Chelsea kadib markii uu dhacay heshiiskiisa Blues.

Xiddiga 32 jirka ayaa qalinka ku duugay heshiis 3 sano ah oo uu todobaadkii mushahar ahaan ugu qaadan doono musahar dhan 220 kun oo Gini.

Smith ayaa rumaysan in uu 32 jirka reer Brazil xoojin doono dookhyadyada Mikel Arteta xilli ciyaareedkan laakiin sheegay in uu Halis ku yahay mustaqbalka pepe ee Arsenal.

“Halka arin ee aan hubo ayaa ah in uu su’aal deg-deg ah ka keeni doono mustaqbalka Nicolas Pepe”ayuu Smith yidhi

“Pepe ilaa haatan ma soo bandhigin qaab ciyaareed fiican waxana uu ku qasbanyahay in uu si deg-deg ah u bilaabo qaab ciyaareed fiican hadii kale uu booskiisa u waayo Willian”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*