Xiddiga Ugu Horeeya Ee Frank Lampard U Raaci Doona Albaabka Stamford Bridge Oo La Ogaaday, Boorkooyinkiisa Wuu Xidh-Xidhay.

Kooxda chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay qaab amaah ah ku dirayso xiddiga khadka dhxe ee Billy Gilmour Inta lagu jiro suuqa January ee bishan.

Billy Gilmour ayaa kaliya 3 kulan ku bilowday halka uu 3 kulan oo kale badal ku soo galay xilli ciyaareedkan kadib markii uu xiddigu si joogto ah ugu ciyaaray qaybtii dambe ee xilli ciyaareedkii hore.

Laakiin Shaqo ka caydhinta Frank Lampard ayaa dhirbaaxo ku noqotay xiddiga da’yarka ahwaxana loo sheegay in uu kooxda qaab amaah uga tagi doono maalmaha soo socda.

Wargayska Todofichajes aya sheegaya in xiddiga reer Scotland loo dirayo koox uu amaah ugu ciyaaro inta ka dhiman xilli ciyaareedkan maadama uuna ku jiri doonin qorshaha tababare Thomas Tuchel oo loo magacaabi doono kooxda.

Tababarihii hore ee kooxda PSG ayaa taageero weyn u ah xiddiga Khadka dhexe ee Jorginho waxana la filayaa in uu xiddigaas si joogto ah ugu ciyaarsiiyo kooxdiisa.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: 3 Arin Oo Dhici Doona Kaliya Hadii Aad Noloshaada Ku Haysto Gabadha Saxda Ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*