Xiddiga Ugu Cad-Cad In Uu Ku Guulaysto Abaalmarinta Xiddiga Ugu Fiican Premier League Oo La Saadaaliyay

Xidhiidhka Qorayaasha Kubada cagta ayaa maalinta jimcah si Rasmi ah ugu dhaqaaqi doona xiddiga ugu fiican horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.

Ka hor inta aan lagu dhawaaqin natiijada xiddiga ku guulaystay abaalmarinta xilli ciyaareedkan ayaa taageerayaasha premier League la waydiiyay xiddiga ugu cad-cad ee ku guulaysan doona abaalmarinta.

Taageerayaasha ayaa 55% u codeeyay xiddiga kooxda Man City ee Kevin De Bruyne kaas oo xilli ciyaareedkan wacdaro dhigay kuna jira qaab ciyaareed cajiib ah.

Xiddiga kooxda Liverpool ee Jordan Henderson ayaa ku xiga isaga oo helay cod dhan 23% kadib markii uu kooxdiisa ku hogaamiyay ku guulaysiga horyaalka premier League.

Waxa kaalinta 3-aad ku jira xiddiga Liverpool ee Sadio Mane kaas oo dhankiisa helay cod dhan 20% halka xiddiga Virgil Van Dijk helay 9% iyo Trent Alexander-Arnold oo helay 8%.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*