
Tababaraha Paris Saint-Germain, Luis Enrique, ayaa sheegay in Ousmane Dembele uu noqon doono mid u qalma ku guuleysiga abaal marinta Ballon d’Or ee sanadkan.
Enrique ayaa sidaas sheegay mar uu la hadlayay TNT Sports ka dib markii ay kooxdiisu 5-0 ku xasuuqday Inter Milan finalkii Champions League ee Sabtidii.
“Waxaan siin doonaa Ballon d’Or Ousmane Dembélé,” Enrique ayaa u sheegay suxufiyiinta.
“Sida uu u difaacay caawa… taasi kaliya ayaa noqon karta mid u qalanta Ballon d’Or.
“Sidaan waa sida aad u hogaamiso koox, hadafyada, horyaalada, hogaaminta, difaaca, sida uu u cadaadinayey.
Be the first to comment