Xiddiga Marcus Rashford Ka Saari Doona Shaxda Man United Oo La Magacaabay

Xiddiga Marcus Rashford ayaa booskiisa Man United u waayi doona da’yarka Mason Greenwood sabab la xidhiidha xiddiga 18 jirka ah ayaa noqon doona mid kaga fiican dhanka gool dhalinta.

Waxa sidaas sheegay Tababarihii hore ee kooxaha chelsea iyo Tottenham Glenn Hoddle kaas oo rumaysan in uu Ole Gunnar Solskjaer u arko Greenwood xiddig khaas ah.

Weeraryahanka ayaa dhaliyay labo gool kulankii United ay 5-2 kaga badisay Bournemouth sabtidii isaga oo goolashiisa tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan kor ugu qaaday 15 gool.

Marcus Rashford ayaa sidoo kale shabaqa soo taabtay, taasoo la micno ah inuu dhaliyay 20 gool tartamada oo dhan markii ugu horeysay xirfadiisa.

Labadan xiddig ayaa la sameeyay weerar halis ah xiddiga Anthony Martial tan ilaa markii dib loo bilaabay xilli ciyaareedkan laakiin Solskjaer ayay wali ka go’antahay in uu la soo saxiixdo weeraryahan cusub xagaagan iyada oo lala xidhiidhinayo xiddiga Dortmund ee Jadon Sancho.

Hoddle ayaa aaminsan in uu Greenwood yahay xiddiga halista ugu weyn ku ah booska Rashford ee Man United isaga oo ugu dambayn booska ka saari doona.

“Waxaan u maleynayaa inuu yahay ciyaaryahan cajiib ah kaliyana wuu ka sii fiicnaan doonaa sidan”ayuu Hoddle u sheegay Premier League Production.

“Run ahaantii waxa aan la dhacsanaya sida uu ugu ciyaarayo labada lugood waan jecelahay xiddigaha labada lugood ku ciyaara”.

“Waxaan u maleynayaa inuu kooxda ka saari doono Marcus Rashford”.

“Waxan u malaynayaa in uu noqon doono dhamaystire ka fiican Rashford waxana uu noqon doonaa xiddig cid walba ka horeeya”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*