Xiddiga Liverpool Ah Oo Diiday Heshiis Cusub Isla Markaas Qarka U Saaran In Uu Ka Tago Kooxda

Goolhayaha Liverpool Adrian ayaa lagu soo waramayaa inuu diiday fursad uu heshiis cusub ugu saxiixi lahaa garoonka Anfield, waxaana uu qarka u saaran yahay inuu ku laabto Spain.

Gool-hayihii hore ee West Ham United ayaa xilli ciyaareedkii hore ka dambeeyay Alisson Becker iyo Caoimhin Kelleher waxana uu ku Fashilmay in uu Xitaa ha daqiiqo ciyaaro kulan.

Adrian ayaa kaliya ciyaaray 26 kulan tan ilaa markii uu yimid kooxda sanadkii 2022.

Qandaraaska 37 jirkaan ayaa dhacaya dhamaadka bishaan, laakiin Liverpool ayaa xaqiijisay inay wadahadalo kula jiraan goolhayaha si ay heshiis cusub Uga saxiixdaan.

Si kastaba ha ahaatee, Adrian ayaa horay u soo bandhigay rabitaankiisa ku aadan inuu dib ugu laabto Spain kooxda Real Betis ayuuna haatan ku dhawyahay.

Sida laga soo xigtay Daily Mail, xiddiga reer Spain ayaa go’aansaday inuusan saxiixin heshiiska cusub ee ay u soo bandhigtay Liverpool, waxaana uu haatan qarka u saaran yahay inuu dib ugu soo laabto Real Betis 11 sano ka dib markii uu ka tagay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga