Xiddiga Lala Xidhiidhinayo Arsenal Ee Dusan Vlahovic Oo Gunners U Sheegay Go’aankiisa

Weerar yahanka kooxda Fiorentina Dusan Vlahovic ayaa lagu soo waramayaa inuusan ku degdegin inuu go’aan ka gaaro kooxdiisa xigta xilli ay jiraan warar la xidhiidhinaya kooxda Arsenal suuqa January.

Xiddiga reer Serbia ayaa dhaliyay 18 gool 21 kulan oo uu u ciyaaray kooxdiisa xilli ciyaareedkan waxana jira kooxo badan oo doonaya saxiixiisa.

Arsenal ayaa la sheegayaa in ay hogaaminayso tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga 21 jirka ah iyada oo uu Mikel Arteta doonayo saxiixa weeraryahan cusub.

Si kasta ha ahaatee sida laga soo xigtay 90min, Vlahovic ayaa diyaar u ah in uu sugo ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan si uu go’aan uga gaadho mustaqbalkiisa.

Xiddiga ayaa ku jira labadii sano ee ugu dambeeyay heshiiskiisa waxana lala xidhiidhinayaa kooxaha Tottenham Hotspur, Juventus, Manchester United & Manchester City.

1 Comment

Comments are closed.