
Waxa la soo afjaray Tartanka SONYO Cup kaas oo maanta lagu soo gaba-gabeeyay garoonka Magaalada Hargiesa ee Hargiesa Staduim kadib muddo 2 bilood ah oo soo socotay.
Kooxda Maaliyada Ayaa markii ugu horaysay taariikhdooda ku guulaystay koobka SONYO CUP kadib markii ay 5/0 ku garaaceen kooxda Gaashaan.
Dhanka Gool dhalinta waxa ku guulaystay xiddiga u ciyaara kooxda Maaliyada ee Bahdoon Axmed Bahdoon Kuna magac dheer Super Mario isaga oo wacdaro dhigay tartanka.
Bahdoon Axmed Bahdoon ayaa dhaliyay 6 gool kulamadii uu u ciyaaray kooxdiisa isaga oo ku guulaystay gool dhalinta tartanka SONYO Cup 2020.
Bahdoon Axmed Bahdoon ayaa dhaliyay kulanka Final-ka goolkiisii 6-aad ee tartanka SONYO Cup isaga oo sidaas ugu guulaystay gool dhalinta tartnka.
Halkan Kaga Bogo Xiddigaha ugu goolasha badanaa tartanka:
Bahdoon Axmed Bahdoon Mario (Wasaarada Maaliyada) 6 gool
Cabdalle Cumar Maxamed Cabbo (Wasaarada Maaliyada) 5
Khadiir Mustafe Maxamed (Dawlada Hoose Hargiesa) 5
Jamaal Axmed Cabdi Chicharito (Wasaarada Maaliyada) 5
Caadil Good Hurre (Gaashaan) 4
Be the first to comment