Xiddiga khadka Dhexe Uga Ciyaara Man City Ee Phil Foden Oo Magacaabay Weeraryahanka Ugu Fiican Premier League, Waa Mid Kaa Yaabinaya Dookhiisu.

Xiddiga kooxda Man City Phil Foden ayaa amaan ugu Qubeeyay xiddiga weerakra uga ciyaara kooxda Man United ee Mason Greenwood isagoo ku tilmaamay weeraryahankii ugu fiicnaa ee uu waligiis Arko.

18-sano jirka ayaa goolashiisa xilli ciyaareedkan kor ugu qaaday 15 gool isagoo u dhaliyay labo gool kulankii United ay 5-2 kaga badisay Bournemouth.

Greenwood ayaa ka mid ah xiddigaha da’yarka ah ee reer England ee soo kacaya xilli ciyaareedkana is muujiyay sida xiddigaha Bukayo Saka, Mason Mount iyo Tammy Abraham kuwaas oo xilli ciyaareed fiican ku raaxaysanay.

Foden ayaa ka mid ah xiddigaha soo kacaya khadka dhexe isaga oo si joogto ah ugu ciyaara kooxda Man City kulamadii ugu dambeeyay.

Foden ayaan amaan lagu dirin iyada oo xiddiga 20 jirka ah doortay in uu iska sii joogo kooxda si uu wax uga barto xiddigaha David Silva, Kevin De Bruyne iyo Sergio Aguero.

Si kasta ha ahaatee inkasta oo ay city haysato xiddigo badan oo tayo leh hadana Foden ayaa sheegay in uu Greenwood yahay dhamaystirihii ugu fiicnaa ee uu abid arko.

Mason Greenwood waa Midkii ugu fiicnaa ee aan u arkaay marka laga hadlayo dhanka dhamaystirka”ayuu Foden u sheegay Premier League Productions.

“Waxa uu ku ciyaari karaa labada lugood waxana uu mar walba garab joogaa goolka hortiisa mar walba uu dhalin doonaa goolal”.

“Waxa uu garanayaa wakhtiga ay tahay in kubada lagu laado goolka, Goolhayuhu marna kama qaban karo shabaq”.

Sii Akhriso: Madaxweynaha Galmudug Axmed Kaariye Qoorqoor Oo Qabtay Shaqo Uu Ku Fashilmay Madaxweynaha Dowlada Federaalka Somalia Ee Farmaajo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*