
Xiddiga kooxda Everton ee Richarlison ayaa ku digtay kooxda ay xafiiltamaan ee Liverpool kadib guuldaradii ka soo gaadhay Real Madrid ee 3/1 ahayd champions Leaue.
Reds ayaa soo qaadatay wakhti adag iyaga oo guuldaro 3/1 kala soo laabtay Spain kulan ay soo bandhigeen qaab ciyaareed xun.
Xiddiga Vinícius Júnior Ayaa laf dhuun gashay ku noqday kooxda Liverpool isaga oo 2 gool ka dhaliyay sidoo kale soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah waliba dhibay daafaca kooxda Liverpool.
Kadib markii ay ciyaartu dhamaatay xiddiga Richarlison ayaa baraha bulshada kaga digtay Liverpool isaga oo boggiisa Twitter-ka soo dhigay sawir uu kula jiro xiddigii khaatiga ka dhigay Liverpool ee Vinícius Júnior.
Richarlison ayaa sawirka sii raaciyay Sawiro yar-yar oo ah Indho siina raaciyay qoraal yar oo u dhigan “Everton Haatan”.
Be the first to comment