Xiddiga Ay Ku Laabashada Luis Suarez Ee Liverpool Ku Xidhantahay Oo La Ogaaday.

Luis Suarez ayaa lagu soo waramayaa in uu kaliya ku laaban doono kooxda Liverpool hadii ay Reds iska iibiso Mohamed Salah suuqa xagaaga.

34 jirkan ayaa ku biiray Atletico madrid xagaaii kadib markii ay Barcelona iska fasaxday laakiin waxa uu soo bandhigay qaab ciyaareed fiican isaga oo dhaliyay 19 gool 32 kulan oo tartamada oo dhan ah.

Suarez ayaa la sheegayaa in uu isaga tagi doono kooxda Atletico Madrid iyada oo lala xidhiidhinayo kooxda Liverpool oo uu wakhti fiican ku soo qaatay.

Wargaysla Cuatro ayaa sheegaya in ay jirto xiiso dhab ah oo ay kooxda Jurgen Klopp u qabto saxiixiisa kuwaas oo laga reebay champions League todobaadkan.

Si kasta ha ahaatee wararka ayaa sheegaya in xiddiga reer Uruguay uu kaliya ku biiri karo Liverpool hadii uu Mohamed Salah ka tago kooxda suuqa xagaaga.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Fariimo Jacayl Oo Ka Ilmaysiinaya Gabadha Aad U Dirto, Hadda U Dir Gacalisadaada!

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*