Xiddig Wacdaro Ka Dhigay Euro 2020 Oo Sugaya Dalab Uga Yimaada Arsenal Si Uu Ugu Biiro Gunners.

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Lille iyo xulka Portugal ee Renato Sanches waliba qaab ciyaareedka fiican ka dhigay tartanka Euro 2020 ayaa xiddiga daafaca uga ciyaara Arsenal ee Gabriel Magalhaes oo ay isaga soo garab ciyaareen Kooxda Lille u sheegay in uu dugayo dalab uga yimaada Arsenal xagaagan si uu ugu biiro Gunners.

Xiddiag 23 jirka ah ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay xilli ciyaareedkii hore isaga oo kooxda Lille kula guulaystay horyaalka Ligue 1 waxana uu sidoo kale qaab ciyaareed fiican ka soo bandhigay tartanka Euro oo uu kala qayb qaatay xulka Portugal.

Qaab ciyaareedka xiddiga ayaa keentay in uu xiiso ka helo kooxaha waaweyn ee reer yurub waxana lala xidhiidhinayaa kooxaha ay ugu horeeyaan Atletico Madrid, Liverpool iyo Juventus kuwaas oo doonaya saxiixa xiddiga.

Laakiin xiddiga khadka dhexe ayaa doonaya in uu ku biiro kooxda Arsenal isaga oo sidaas u sheegay xiddiga Gabriel Magalhaes oo ay isaga soo garab ciyaareen kooxda Lille ka hor intii uuna daafaca reer Brazil ku soo biirin Arsenal.

Xiddiga Renato ayaa lagu qiimeeyaa lacag dhan 80 milyan oo euro waxana uu doonayaa in uu ku biiro kooxda Arsenal isaga oo sugaya dalab uga yimaada Gunners.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*