Xiddig U Jooga Real Madrid Oo Heegan Buuxa Giliyay Kooxaha Ugu Weyn Ingiriiska , 6-Koox Ayaa Ku Dagaalameysa

Kooxaha ugu weyn Ingiriiska ayaa  u waalanaya saxiixa kabtanka  Real Madrid ee Sergio Ramos , waxaana liiska ugu horeeya Liverpool , Man City, United,Chelsea ,Arsenal iyo Tottenham .

Laacibkaas 34 sano jirka ah ayaa hishiiskiisa Real waxa uu dhacaya   June sanadka 2021-ka  waxa uuna bisha January wada xaajood la bilaabi karaa kooxdii uu doono.

Ramos oo la filayay in hishiis laba sano ah u saxiixi doono Real ayay haatan arintaas u muuqataa mid aan suura gal aheyn waxa ayna kooxdiisa kaliya ka fikireysaa hishiis dhan 12 bil waana midda uu ka soo horjeedo kabtan Ramos.

Sida 90Min ay soo xiganeyso kooxaha reer Ingiriis ayaa dhamaantood la xariiray wakiilka laacibka si ay ugu qanciyaan in daafacaas birta ah ay helaan xagaaga

Inkastoo kooxahaas ay muujiyeen rabitaankooda la xariira laacibka balse Ramos weli uma uusan gacan haatin in uu  doonayo in uu ka ciyaaro Ingiriiska, waxaana sidoo kale lala xariirinayaa kooxda PSG

Daafacaas reer Spain ayaa Real u saftay illaa iyo haatan 600 oo kulan halka uu u dhaliyay 1900 gool  xilli uu la qaaday 5 jeer oo La Ligaha ah iyo afar Champion ah tan iyo markii uu Sevilla uga soo wareegay sanadkii 2005-tii

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*