Xiddig U Ciyaara Real Madrid Oo Maraya Wadadii James Rodriguez & Gareth Bale Kuna Wajahan Premier League, Waa Kuma?

Xiddiga kooxda Real Madrid ee Isco ayaa lagu soo waramayaa in uu doonayo in uu suuqa January ku biiro horyaalka Premier League.

Isco ayaa lagu soo waramayaa in uu doonayo in uu qaab amaah ah ugu biiro kooxda Everton.

Xiddiga 28 jirka ah ayaa kaliya 5 kulan u ciyaaray horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan kaliyana 2 kulan ku bilowday shaxda Los Blancos.

Waxa jiray warar ku saabsanaa mustaqbalkiisa todobaadyadii ugu dambeeyay wargayska The Mirror ayaana sheegaya in uu tababaraha Everton ee Carlo Ancelotti doonayo in uu Everton keeno.

Wararka ayaa dhanka kale sheegaya in ay Real Madrid diyaar u tahay in ay Amaah ku fasaxdo xiddiga marka la gaadho suuqa Jnauary.

Isco ayaa la sheegayaa in uu doonayo in uu James Rodriguez kula biiro kooxda Everton si uu u helo fursad uu isku muujiyo.

Sii Akhriso: Qorshihii Doorashada Ee Heshiiskii Farmaajo iyo Maamul Goboleedyada oo Fashilmay

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*