Xiddig U Ciyaara Real Madrid Oo Iska Diiday Dalab Uga Yimid Man City.

Luka Modric ayaa lagu soo waramayaa in aanu xiiso weyn u qabin in uu ka tago Real Madrid isaga oo iska diiday fursad uu ugu soo laaban karo Hogaamiyayaasha horyaalka premier League ee Man City.

Iyada oo 6 bilood wax ka yar uga hadhsantahay heshiiskiisa Real Madrid xiddiga 36 jirka ah ayaa xor u ah in uu wadahadalo la qaato kooxaha ka baxsan Spain si uu xor ugu biiro xagaaga.

Kooxo badan oo England ah ayaa doonaya saxiixa xiddiga iyada oo ay hogaaminayso kooxda Man City kuwaas oo doonaya in ay xiddigii hore ee Man City ku soo celiyaan premier league.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay El Nacional, Modric ayaa mar hore iska diiday fursad uu heshiis labo sano ah qalinka ugu duugo kooxda hogaanka u haysa Premier League ee City.

Wararka ayaa sheegaya in uu xiddiga reer Croatia doonayo in uu sii joogo kooxda Los Blancos inkasta oo ayna wali wax heshiis cusub ah u soo bandhigin xiddiga khabiirka ah.