Xiddig U Ciyaara Real Madrid Oo Codsaday In Uu Isaga Tago Kooxda Suuqa January.

Xiddiga khadka dhexe kooxda Real Madrid ee Isco ayaa lagu soo waramayaa in uu kooxda Ka codsaday in la iibiyo marka uu furmo suuqa January.

Xiddiga reer Spain ayaa ku dhibaatooday in uu joogto ugu ciyaaro kooxda Zidane kulamadii ugu dambeeyay waxana uu kaliya ku bilowday shaxda kooxda 3 kulan.

Isco ayaa lala xidhiidhinayaa premier League gaar ahaan kooxda Everton iyo Arsenal kuwaas oo doonaya saxiixa xiddiga.

Si kasta ha ahaatee Isco ayaa haatanba warqada bixitaanka u gudbiyay kooxda Real Madrid isaga oo doonaya in uu isaga tago kooxda.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*