Xiddig U Ciyaara Man United Oo Loo Soo Bandhigay Barcelona.

Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in loo soo bandhigay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man United ee Donny van de Beek sida ay sheegayaan wararku ka imanayo dalka Spain.

Wargayska MARCA ayaa sheegaya in kooxda Barcelona loo soo bandhigay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Donny van de Beek kaas oo ku dhibaatoonaya kooxda Man United tan ilaa markii uu ku biiray Old Trafford.

Xiddiga Donny van de Beek Ayaa Man United ku biiray xagaagii hore laakiin waxa uu ku dhibaatooday in uu boos joogto ah ka helo kooxda xilli ciyaareedkii hore isaga oo aan ka mid ahayn qorshaha tababre Ole Gunnar Solskjaer.

Barcelona ayaa dhankeeda doonaysa xiddig khadka dhexe ah waxana lala xidhiidhinayaa xiddigo badan ka ciyaara booskaas si ay ugu xoojiso kooxda xilli ciyaareedka dambe.

Xiddiga Donny van de Beek ayaa dhankiisa doonaya in uu isaga tago kooxda Man United kadib markii uu ku dhibaatooday in uu boos joogto ah ka helo kooxda Red Devils.

Sii Akhriso: Ma Jirtaa In Aad Kala Fogtihiin Qofka Aad Jeceshahay, Ma Doonaysaa In Aad Jacaylkiina Noolaysiin, 6-dan Wad Ayaa Kaa Caawinaysa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*