Xiddig U Ciyaara Man United Oo La Xaqiijiyay In Uu Seegi Doono Kulanka Manchester Derby.

Harry Maguire ayaa la xaqiijiyay in uu dhaawac ku seegi doono kulanka ay Man United la ciyaari doonto Man City Axada kulan ka tirsan premier League.

Daafaca 29 jirka ah ayaa jug soo gaartay intii lagu guda jiray kulankii England ay 3-3 la gashay Germany kulan ka tirsanaa tartanka Nations League.

Weriyaha BBC Sport ee Simon Stone ayaa hadda xaqiijiyay in daafaca aadka loo hadal hayo uu dhaawac ku seegi doono kulanka Manchester derby ee Axadda.

Maguire ayaa ka baxay shaxda Man United kulamadii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedkan isaga oo ka dambeeya xiddigaha Martinez iyo Varane kuwaas oo joogto ugu ciyaara Man United.

Warkan ayaa ah mid u xun xiddiga kaas oo doonaay in uu u dagaalamo booska joogtada ee kooxda Man United xill uu doonayo in uu ka qayb ahaado xulka England ee koobka adduunka.